Sawirro: DFS oo AMISOM kala xisaabtameysa dhacdadii foosha xumeyd ee KM4

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Guddi ay u saareen Baaritaanka dhacdadii Ciidamada AMISOM ay ku dileen Askari ka Tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kuna dhaaweceen shacab.

Magacaabista guddigan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Hay’adda NISA iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa balanqaaday in sihufan ay u sameyndoonaan baaritaankaasi,isagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyey geerida Askarigii NISA ee geeriyooday,wuxuuna eebe uga baryay in uu bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay dhacdadaasi.

Dhanka kale Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay falkii dhacay,isagoo intaasi ku daray in uusan marnaba soo laaban doonin falkaasi.

Danjire Francisco Madera ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada baaritaanka lagu sameynayo sida ay u dhacday arrintaasi,si loo ogaado xaqiiqda jirta.