Sawirro: Dibadbax ka dhan ah raashiin la musuqay oo ka dhacay Beledweyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen shacabka ku nool magaaladaasi.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay inay ka careysan yihiin raashiin ay sheegeen in laga masuq maasuqay islamarkaana ay ka dambeeyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa ayaa xoogiisa wuxuu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana ay haweenka iyo caruurta banaanbaxayay ay sheegeen in laga leexsaday raashiin iyaga loo qorsheeyay.

Raashiinka dadka laga musuq maasuqay ayaa la sheegay in Sacuudiga uu soo dhiibay, waxaana dadka ay ka caroodeen kadib markii qaar kamid ah shacabka si hoose loo siiyay raashiinka.

Haween badan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in si madax ka taabasho ah raashinka lagu bixiyay, dadkii loogu talo galayna laga musuq maasuqay gargaarka.

Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin eedeynta kaga timid dadka banaanbaxa dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dad u xirxirtay musuq maasuqa hantida dadweynaha, waxaana la ogeyn talaabada arintaan laga qaadan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com