Sawirro: Rabshado lagu gubay Goobo ganacsi oo durba ka bilowday Kenya

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa galabnimadii maanta ilaa Caawa magaalada Kisumu ee dalka Kenya ka socda banaanbaxyo ay dhigayaan taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ahna Musharaxa Madaxweynaha Raila Odinga.

Dibadbaxyada ka socda magaalada Kisumu ayaa wata rabshado, waxa ayna dadku gubayaan Goobo ganacsi iyo taayaro farabadan oo la dhex dhigay waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Kisumu.

Dadka dibad baxaaya ayaa ku qeylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan Guddiga doorashada, iyagoo ku dhawaaqayay Raila La’aantiis nabad ma jirto

Sidoo kale, dadka dibad baxyaasha ayaa u gacan qaadaya ciidamada booliska oo ku dagaalamaaya hubka aan khasaaraha badan geysan, si ay u kala eryaan dadka.

Rabshadahan ka bilowday magaalada Kisumu ayaa ka dambeysay, kaddib markii Hoggaamiyaha Mucaradka Raila Odinga uu qaadacay natiijooyinka horu dhaca ee doorashada.