Sawirro: Doorashada Somalia oo si rasmi ah loo guda galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed, xilli si rasmi ah loo guda galay doorashada.

Tababarka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble u furay guddiyada kala duwan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa socon doono muddo 4 maalin ah, sida uu qabo heshiiskii ay kala saxiixdeyn dowladda iyo maamul goboleedyada.

Rooble oo la hadlayey xubnaha guddiyada ayaa kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan howsha doorashooyinka ee loo xil saaaray.

Guddiyada doorashooyinka ee heer federal iyo heer dawlad goboleed ayaa muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in dhawaan ay si toos ah u guda galaan howlahooda.

Sida ku cad heshiiska doorashooyinka oo ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Dowlad-goboleedyada dalka, Guddiyad doorashooyinka ayaa tababaro qaadanaya mudada u dhexaysa 30 June-05 Juley 2021.

Jadwalka doorashada ayaa shalay loogaga dhawaaqay shirkii Madasha Qaran iyadoo la shaaciyay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 10-ka Oktoobar 2021.