Sawirro: Erdogan oo Ankara ka dhistay guri aad cajiib u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha mucjisada leh ee (AK SARAY) oo macnaheedu yahay Aqalka Sare, waxaa lagu tiriyaa in uu yahay dhismaha ebid ugu weyn ee dunida laga dhiso muddo 100 sano ah.

Gurigaani ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 1,100 qolal, 250 ka mid ah qolalkaasi waxaa si gaar ah u isticmaala milkiilaha gurigaani oo ah Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Gurigaani cajiibka ah ee lagu qiyaaso in 30 jibaar in uu ka weyn yahay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arramiyo ayaa waxaa marsan rinjiyo indhaha soo jiidanaayo waxuuna leeyahay jardiimo loo daawasho tago oo uu doog ka baxaayo.

(AK SARAY) oo la fahamsan yahay in uu yahay mid ka mid ah guryaha dunida ugu weyn uguna quruxda badan ayaa waxaa ku fidsan roog qaali ah oo nuuciisa uu yahay gaduud, roogaasi oo Madaxda lagu soo dhaweeyo markay Garoomadda kasoo dagaayaan.

Dhismaha gurigaani ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay sanadii 2014 oo ay ka soo wareegatay muddo 3 sanno ah, waxuuna ku yaalaa bartamaha  magaaladda Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga, taasi oo ay macnahaydu tahay in saqafka kore ee gurigaani laga daawan karo dhammaan magaalada Ankara.

Gurigaani ayaa waxaa ku nool wadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo 63 sano jir ah, qoyskiisa iyo shaqaalahiisa gaarka ah ee ilaalisa.

Waxyaabaha indhaha Aadanaha soo jiidanaayo ee gurigaani uu dheeryahay guryaha kale waxaa ka mid ah, sharaxaada gurigaani lagu sharxay waa Dahabka, iyo dhamaan qalabka sharaaxada ee kala duwan oo kaamil u ah.

W/Q Ayuub Mohamed ”Fantastic”