Hogaamiye kooxeedyo hore oo curyaaminaya howlaha ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Aweys Sheekh oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamadu ay qarka u saaran tahay inay ku dhawaaqdo shaqo joojin sababo la xiriira qabiilada oo aan howsha laga wadi karin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlwaliba oo ay qaban lahaayen aysan ka qabankarin qabiilada waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in sharci cusub laga soo saaro qabiilka iyo shaqada.

Waxa uu sheegay in ay qaati ka taagan yihiin oo Go’aanka Maxkamadda ay ka fulin la’yihiin Qabiil iyo garab istaag.

Dr. Aweys Sheekh, ayaa intaa ku daray in hadii laba qof ay isa soo dacweeyaan oo dowladda Hoose ay soo cadeyso, hadii xukunka la rido in qofkii uu qaadanayo Racfaan, isaga oo ku socda qaab qabiil ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala qaado waxa uu sharciga qabo iyo barnaamijka qabiilka, waxa uuna shaki galiyay in howsha ay soconkarto haddii lagu cuuryaamiyo qabiilka.

Sidoo kale, waxa uu intaa kusii daray in xukunada Maxkamada ay ka fulin la’yihiin Hoggaamiye kooxeed, kuwaasi oo wata Hub, Ciidamada Dowladdana aysan awood u laheyn in ay xiraan.

Haddalka Dr. Aweys Sheekh ayaa kusoo beegmaaya xili DFS lagu eedeeyay garsoor cadaalad daro ah oo loogu kala eexdo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com