27.1 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Sawirro: Farmaajo oo la kulmay qoyska Marxuumka ay jiireen Gaadiidkii isaga galbinaayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gelinkii dambe Villa Somalia ku qaabilay Ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo shalay ay jiireen gawaari galbineysay Madaxweynaha, xilli uu ku sii jeeday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa Ehalka Marxuumka uga tacsiyadeeyay geerida Tahliil, isagoona ilaahay ugu bariyay in uu janadiisa ka waraabiyo.

Ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane ayaa Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyay sida uu u qaabiley ulana qeybsaday tacsida.

Madaxweynaha ayaa qoyska marxuumka ku qanciyay inuu amray in xabsiga la dhigo darawalkii waday gaariga dilay Tahliil Jimcaale Hubane, si loo baaro shilkaas inuu si ku tala gal ahaa iyo inay aheyd Qadar Alle ku timid.

Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale, qoyska Marxuumka Guddoonsiiyay lacag loogu talagalay in duco loogu Sameeyo Alle ha u naxariistee Marxuum Taliil Jimcaale Hubane.

Allaha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane ayaa ka mid ahaa Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Isagoo Sidoo kale ahaa Farsamayaqaan Sare oo la soo shaqeeyay Kooxdii Fanka IFTIN Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Xiligii Dowladdii Dhexe Ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

- Advertisement -

Read more

Local News