Afhayeenkii xukuumada Soomaaliya oo xil ka qaadis lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil ka qaadis ku sameeyey afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Ra’isulwasaaraha ayaa amar ku siiyey Wasiirul Dowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdullaahi Xaamuud inuu xilka ka qaaday afhayeenka Xukuumadda Cabdicasiis Cabdi Xaaji Goobdoon.

waxaa la filayaa in dhawaan uu Ra’isulwasaaraha xilkaan u magacaabo shaqsi kale si loo buuxiyo booska xilka laga qaaday afhayeenkii hore.

Xukuumadda cusub ayaa waday maalmihii ugu dambeeyey xil ka qaadis lagu sameenayo dhammaan madaxdii lasoo shaqeysay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Dabeecadda xil ka qaadista ayaa waxaa wadaago dhammaan madaxda Soomaaliyeed oo ay caado u tahay in mid kasta oo imaado uu xafiisyada u magacaabo madaxda cusub si uu meesha u keensado shaqsiyaad sida ku siyaasad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com