25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Sawirro: Filish oo kormeer ku sameeyey afar degmo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeer ku sameeyey illaa afar degmo oo kala ah Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa u kuur galayey xaaladaha dhanka amni isaga oo booqday saldhigyada Booliska ee degmooyinkaasi.

Sidoo kale u jeedka ayaa ahaa mid uu Duqa magaalada Muqdisho ku qiimeynayey, sida ay maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada Booliska ula falgalaan howlaha amniga.

Guddoomiye Filish ayaa amray guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil iska saaraan sugida amniga degmooyinka ay maamulaan.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay inay wada shaqeyn la yeeshaan qeybaha kala duwan ee shacabka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka ayuu uga mahadceliyay sida ay u sugayaan amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News