25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Fiqi iyo Geelle oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah kadib heshiiskii galabta

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa dagaalka Khawaarijta ee ka socda Soomaaliya oo Jabuuti ay door muuqda ku leedahay, iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray arrimaha difaaca, amniga gobolka iyo sidii Soomaaliya iyo Jabuuti ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen dagaalka kooxaha argagixisada ah oo khatar muuqata ku haya gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle doorka hoggaamineed iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda Jabuuti ay siiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidamada “Hiil Walaal” ay kaga jiraan howlgalka AUSSOM iyo dadaallada nabadeynta iyo xasillinta dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo galabta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo lagu kordhinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa ku kala metelayay labada dal Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka socda ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in heshiiska uu hagayo habraacyada shaqo, waajibaadka labada dhinac, iyo qaabka iskaashiga militari, iyadoo lagu dhisayo mabda’a wadashaqeynta iyo is-ixtiraamka.

Heshiiskan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

“Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM waxay door muhiim ah ka qaataan nabad ilaalinta dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News