27.4 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Sawirro: Fiqi oo Muqdisho ka furay shir looga hortegayo qaraxyada ay sameystaan Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo maalmood ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ka furay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka soo qeyb galay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay ka wada shaqeeyaan dajinta qorshaha istiraatiijiyadda sugidda amniga dalka ee 2025 oo hadda lagu jiro ilaa 2030-ka.

Sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo oo kooxaha argagixisada ah ay dadkeena ku dhibaateeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin dheer ka bixiyey muhiimadda uu dalka u leeyahay ajendaha shirkaan ayaa sheegay in “masuuliyad weyn ay dowladda ka saaran tahay fulinta iyo ilaalinta amniga dalka, taas oo ka bilaabaneysa xakameynta iyo la socodka xogta hubka qaranka iyo kan dalka soo gelaya.”

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hubkeeda uu wada lambareysan yahay, isagoo sheegay in dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka taageertay tallaabooyin muhiim ah oo ku saabsan maamulka hubka iyo rasaasta, gaar ahaan lambareynta hubka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku taallo gobolka hubku aad isaga kala goosho.

“Istaraatiijiyadda la rabo in la ansixiyo si Soomaaliya ay uga badbaado qulqulka hub iyo rasaas sharci darro ah, waxaan rabnaa inaan ku gaarno yoolkeennii ahaa xakameynta qulqulka hubka,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

 

- Advertisement -

Read more

Local News