Sawirro: C/qaadir Firdhiye oo kulamo ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed (Firdhiye) oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Mudane Firdhiye ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA, ayada oo halkaas oo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta maamulkaas iyo ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilisan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay madaxda hay’addq SODMA.

Waxay uga mahad-celiyeen hoggaanka hay’adda SODMA gargaarkii ay kal hore gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaaday.

Intaas kadib hoggaamiye Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan deegannada SSC, isaga oo ka codsaday in hay’adda SODMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa wasiirka wasaaradda tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool.

Firdhiye oo Jimcihii soo gaaray Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib laba bil oo uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale qaddiyada SSC-Khaatumo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay dowladda dhexe taageera buuxda usiin laheyd SSC oo horay ugu dhawaaqday maamul ka madax-banaan Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay aagga magaalada Laascaanood.

Kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, maadaama uu yahay wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa madasha in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.