Sawirro: Fowsia oo dhiggeeda Canada la kulantay iyo lacag loo yaboohay DF

Ottawa (Caasimada Online) – Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha  dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam iyo wafdi ay hogaaminayso oo shalay gaaray dalka Canada ayaa  la kulantay madax ka tirsan dowlada Canada oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada ee Canada Jown Baird  iyo wasiirka  socdaalka iyo jinsadaha ee dalka Canada  iyo xildhibaano ka  tirsan dowlada federaalka ee Canada,

Wafdiga Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam waxaa wafdiga la socda ka mid ah Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mrs Yusur Aadan Abraar ,danjiraha Soomaaliya ee Kenya Amb Mohamed Cali Americo,iyo Diplomaasiyiin kale oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya,

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labad dal iyadoo dowlada Canada ay ku dhawaaqday dhaqaale ay Soomaalida ugu deeqday kuwaasoo amaanka wax lagaga qabanayo. Lacagtaasi ayaa waxa ay gaareysaa 6 milyan oo dollar

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidoo kale la dagaalanka amaanka gobolka si looga adkaado kooxaha aragagixisada ah ee weli gobnlka geeska Africa dhibaatada ku haya iyagoo tacsi wada jir ah u diray dowlada iyo shacabka Kenya oo dhowaan weerar argagixiso lagu qaaday,

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliiuya  Marwa Fowzia Yuusuf Xaaji aadan ayaa dalka Canada ku joogta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo sadex cisho ah waxaana lagu wadaa in ay la kulanto  jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalooyinka Torornto iyo Ottawa kuwaasoo lagu qiyaaso 300,000(Sadex boqol oo kun).

Sawirrada kullanka

fow 1fow 2fow 3fow 4fow 5fow 6fow 7