28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog csub oo ku saabsan dhameystirka maamulka Juba & sida loo qorsheeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Saraakiil ka tirsan maamulka ku-meel-gaarka ee Jubba ayaa sheegay in dhawaan la la soo dhammeestiri doono maamulkaas.

Hilowle Aadan Maxamuud, oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa caawa u sheegay Idaacadda Goobjoog, in marka uu dib ugu soo laabto Kismaayo Axmed Madoobe in la dhammeestiri doono maamulka qaybaha ka harsan sida golaha wasiirada iyo kuwa baarlamaanka.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Nairobi marka uu soo gaaro gobalka wax yaabaha ugu horeeya ee uu qaban doono ay yihiin siddii u soo dhammeestiri lahaa xubnaha ka harsan maamulka Jubbaland.

Hillowle Aadan ayaa xaqiijiyay Axmed Madoobe in uu markii hore rabay golle fulin oo ka kooban 10-wasiir balse wadatashi dheer uu u badalay qorshahaas 15-wasiir oo seddax ka mid ah ay yihiin ku-xigeenadiisa sida madaxweyne ku-xigeen.

Wuxuu kalo sheegay sarkaalkan in la soo dhisi doono golaha sharci-dajinta (Baarlamaan) kuwaasoo iyana loo bixiyay aqalka golaha Jubbland.

Mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan maamulka loo dhisaayo gobalada koonfur-galbeed, wuxuu sheegay in shakhsi ahaan uusan diiddaneen go’aanka ay qaateen beelaha degga qaar ka mid ah gobaladan sida Baay iyo Bakool.

Balse Hillowle Aadan wuxuu yiri “ Annagu maamul la aqoonsaday ayaanu nahay, marka maamul eber ah oo hadda lee billow ah siddee ayuu u sheegan karaa gobalo maamul u sameesan waa arrin riyo ah, waa In ay soo maraan dhibka aan soo marnay”

Wuxuu sheegay in maamulka Jubba uu soo maray marxalado kala duwan sida, markii hore waxaa loo yaqaan ayuu yiri Azania, waxaan kaloo soo qabanay ayuu yiri in aan mideenay dhinacyadii isku heestay seddaxda gobal daba-deedna waxaanu magacaabnay maamulka Jubbland.

“Islama jaan-qaadi karno maamulka hadda la dhisaayo iyo annaga, waayo afar sanno ayaan soo dhiseenay maamulka hadda jira mana yeeleyno si fudud halugu dumiyo” ayuu yiri markale Hillowle Aadan Maxamuud.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in maamulka Jubba uu lee yahay dastuur, isla dastuurkaasna lagu doortay laguna dhaariyay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News