28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Hiiraan: Guddoomiye ku-xigeen hore oo weerar afka ah ku qaaday DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne(Caasimada Online) Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobalka Hiiraan, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Axmed Inji guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobalka Hiiraan, oo  la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe la isaga horkeenaayo dadka ku dhaqan gobalka iyo maamulka waqtigiisa dhammaaday ee gobalka Hiiraan.

Axmed Inji ayaa waxaa kaloo uu sheegay in wafdi dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka u soo dirtay Baladweyne ay yihiin kuwa aan matalin gobalka Hiiraan, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiintaas kuwa carruur ah oo diyaarado iska soo raacay oo aan lagala hadli Karin masiirka gobalka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda ma ahan in carruur in ay gobalka u soo dirto kuwaasoo diyaarado ka soo raacay Muqdisho, anniga ma sameen karo in aan Puntland aado  halkaas in maamul aan ka soo sameeyo” ayuu yiri Axmed Inji.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobalka Hiiraan ayaa tilmaamay in wafdiga dowladda ay u soo dirtay Baladweyne uu ku jiro hal xildhibaan oo ka soo jeeda gobalka, kaasoo ah Daahir Amiin Jeesow, balse xubnaha aysan u dhalan gobalka.

Si kastaba, waxaa maalmahan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo aggaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo xubno xildhibaanno ah oo ka socda guddiga ammmaanka  ee baarlamaanka.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadanaya bulshada qaybaheeda kala duwan iyo siyaasiinyiinta gobalka Hiiraan, waxaana wax laga weydiinaya bal maamulka loo dhisaayo maadama maamulka hadda dhisan uu waqtigiisa dhammaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News