Dhageyso: DF oo Hal arin lagu dhaliilay eedeyna loogu daray (Sabab)?

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf , oo ka mid ah  Mudanayaasha Baarlamaanak Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay Khilaafka Maamulka Jubba iyo Dowlada Soomaaliya iyo  inay diidaan ka qeyb galka Shirka Muqdisho Shanta Bishan ka furmaya.

Wuxuu sheegay in arintan markii hore la marin habaabiyay Madaxda Dowlada Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in  ay ku qaldan tahay inay oofin weyso axdi ay hore  ula soo saxiixatay Maamlka uu hogaamiyo Axmed MADOOBE ee Jubba Kadib Heshiis ka dhacay Adis Ababa , Ethiopia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in balantu ay hayed in Maamulka Jubba uu uu tago Shirka Wajigiisa 1-aad oo Muqdisho lagu qabatay Dowladuna markeeda laga sugayay inay ka qeyb gasho Shirka wajigiisa labaad oo laga sugayo inuu Kismaayo ka dhoco .

Arintaas wuxuu sheegay in Maamulka Jubba  sidii loo baahnaa ay uga soo bexeen Axmed Madoobana uu yimid Muqdisho si uu uga dhabeeyo Balantii ay wada galeen Balse Wuxuu Xukuumada iyo Madxda dowlda ku dhaliilay inay ka gabiyeen qodobadii lagu soo heshiiyay .

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Gudii dowlada Soomaaliya ay u xilsaartay Dhex Dhexaadinta Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo inay la timaado wado cad oo lagula shaqeyn karo ayna ka dhabeyso waxyaabihii lagu soo heshiiyay.

Shanta Bishan waxaa lagu wdaa inuu Muqdisho ka furmo kulan looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu heshiisiinayo Beelaha halkaasi wada dega , Inkastoo maamulka Jubba oo hogaan u ah goboladaas uu diiday ka qeyb galka Shirkaas.

Halkaan ka dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi Barre

Halkaan ka Dhageyso Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com