Madoobe Nuunow: Maamulka Axmed Madoobe waa xoog, 6-da gobolna…

Baydhabo (Caasimada Online) Madoobe Nuunow Maxamed oo horey u soo noqday xildhibaan baarlamaan ayaa ka warbixiyay halka uu marayo maamul gobaleedka koonfur-galbeed Somalia.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayuu Madoowe Nuunow uu sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono qaabka loo dhisaayo maamulka ay ku mideesan yihiin lix gobal oo ku yaalla koonfur-galbeed.

Wuxuu weerar ku qaaday maamulka ku-meel gaarka ee Jubba oo madaxda uu ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wuxuu kaloo sheegay in maamulkaas uu ku yimid si xoog ah, oo aan dadka deggan gobalada uu sheegto aysan raali ka ahayn.

Madoobe Nuunow ayaa tilmaamay in maamulka loo dhisaayo gobaladan in lagu casuumay dhammaan beelaha degga kuwaasoo gaaraya ilaa 30-beel.

“Maamulka koonfur-galbeed dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa, waxaana aan casuumaad u dirnay dhammaan beelaha degga lixda gobal sida :- Shiikaal, Murasade, Dir, Abtisame, Daarood, Majeerteen, Gaaljecel, Baajuun, reer ow Xasan, Xawaadle, digil iyo mirifle.” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo maamulka loo dhisaayo gobaladan oo kala ah:- Shabeellaha Hoose, Baay, Baydhabo, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa qorshahan hor-boodaya siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo mudanayaal baarlamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com