28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

SIILAANYO oo aaday Turkiga, siina hor dhacay go’aanka maamulka Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Turkiga kaddib markii ay ka heleen casuumaad rasmi ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen wasiiraddda arrimaha dibedda, iskaashiga caalamiga iyo dhaqaalaha, ayaa inta aysan ka bixin garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaa warbaahinta la hadlay Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in dalka Turkiga ay u tagayaan kulamo ay la soo qaadan doonaan madaxda dalkaas isla markaana ay uga hadli lahaayeen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Waxaa kaloo uu sheegay Siilaanyo in Turkiga iyo Somaliland uu ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, kaasoo ah mid saaxibtimo.

Madaxweyne Siilaanyo mar uu ka hadlaayay wajiga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawaan ka dhacay Turkiga wuxuu sheegay in wadahadalladaas haddii ay sii socdaan ama istaagan qadiyada madax banaanida Somaliland aysan waxbo ka badali doonin.

Wuxuu hoggaamiyaha maamulka Somaliland jawaab siiyay madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in wax kasta oo ay tabanayaan walaalaha Somaliland laga qancin doono si loo soo celiyo Somaliweyn.

Siilaanyo ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid dhalalnteed ah oo la mid ah riyo, wuxuu sheegay gooni isku taaga Somaliland in uu yahay lama taabtaan, maadama ay dadka reer Somaliland oggolaadeen in ay ka go’aan Soomaaliya, iyagoo ka tabanaya dhib badan.

Wuxuu yiri laba dal oo kala madax banaan ayaanu nahay.

Si kastaba, Turkiga ayaa tiro ka labo jeer dhex-dhexaadin u sameeyay wafuud ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

- Advertisement -

Read more

Local News