KASHIFAAD: Dhaqan cusub oo ay la soo baxeen ciidamada DF (Shaxaad isii ama Cali Gaab ayaan kuu geynayaa)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo labadii sanno ee la soo dhaafay ka soo kabaneysay dagaaladii sokeeye isla markaana ay si tartartiib ah ku soo labaanaya sharcigii iyo kala dambeentii oo ay ka mid tahay ciidamada wadooyinka ee Taraafikada.

Wadooyinka waxaa ka shaqeeya ilaa xilliga habeenii askar boolis ah, kuwa nabad sugida iyo kuwa taraafikada ee kala haga baabuurta.

Haddaba wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho, ayaa halkaas ku soo arkay dhaqamo aad looga naxo oo ay la soo baxeen ciidamada dowladda.

Dowladda waxa ay ciidamo badan oo boolis, taraafik iyo kuwa nabad sugid ah ay ku baahisay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo hadda ku soo laabtay Nairobi, ayaa sheegay in dhowr toddobaad ka hor magaalada Muqdisho uu kula kulmay arrintan fedeexada ah.

Wuxuu yiri “Anniga iyo sxbkeey ayaa baabuur aan wadano oo ku sii jeednay xeebta Liido, waxaa waddada KM4 nagu istaajiyay askari taraafik, wuxuu na weydiiyay leesinkii baabuurka iyo in uu baabuurka lee yahay Taargo. Waxaan u sheegnay in baabuurka taargo uu lee yahay, laakin leesinkii uu saaxiin ka soo takay, intaas markii aan niri, wuxuu noo sheegay in aan dambi ku jiro oo dacwad naloo heesto”

Wariyaha warbixintan soo qoray ee ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in markii uu na dhahay askariga dacwad ayaa ku jirtaan, waxaan ku niri na gee xarunta Taraafikada, soo baxa ayuu na dhahay, baabuurka ayaan ku soo qaadnay, markii aan mareyno waddada KM 0 ee degmada Cabdicasiis ayuu nagu yiri, “Xarfaaneey biyo cabitaal isiiya waa idinku ciyaareynay””

Wariyaha ayaa yiri “ Waxaan askariga ku niri soo taad lahayd Cali Gaab iyo xarunta Taraafikada ayaan idiin geenayaa maan isla aadno, markaas ayuu yiri xarfaaneey kuwa cajiib ayaad tihiin marka iga bootiya ee dhowr kun oo shilling ha la iitaago” .

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ayaa tilmaamay, in billaabay siddii uu ogaan lahaa dhaqankaas in uu yahay mid cusub iyo mid horey u jiray.

Wuxuu sheegay in dhaqankan uu yahay mid dhowr kii sanno ee la soo dhaafay uu ka bilaabtay Muqdisho, oo waxaan la hadlay ayuu yiri dhowr darawal kuwaasoo noo sheegay siddan  ayaan uga badbaadnay in taraafiko iyo leesin aan qaadano.

Wariyaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku soo bateen baabuurta gaarka loo lee yahay oo ay wataan dadka caadiga ah, kuwaasoo aan leesin iyo taargo badanaa aan lahayn, sidaas oo ay tahay haddana wadooyinka waxaa taagan ciidamo shaqadooda ay tahay in ay baaraan baabuurtaas balse waxaa la siiyaa shaxaad ayuu yiri wariyaha.

Isku soo duub, wariyaha warbixintan soo qoray wuxuu lee yahay, Muqdisho waa magaalo kobceysa oo waxaa ka socda horrumar balse, meelaha qaar dadku matagaan oo inta badan waxaa dadka ka yimaada qurbaha iyo waddamada gobalka ay ku kooban yihiin waddada Makah Al-Mukaramah, KMG iyo xarumaha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com