Baarlamanka Kenya oo go’aan ka dhan ah Somalida laga filayo, muxuu yahay?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Kenya, ayaa lagu wadaa inuu ku baaqo in la xiro dhammaan xerooyinka qaxootiga Soomaalida ee dalkaas ku yaalla, sababo la xiriira dhacdadii West Gate.

Ndung’u Gethenji oo ah madaxa guddiga difaaca ee baarlamanka Kenya, ayaa sheegay inay hayaan warbixino ku saabsan in meelo ka mid ah xerooyinka qaarkood loo adeegsaday in lagu tababaro wax uu ugu yeeray argagixisada.

In ka badan Shan boqol oo kun oo qof oo Soomaali ayaa ku nool xerooyinkaasi, oo uu saameyn doonaa go’aankan, haddii la qaato.

Mr. Gethenji ayaa sheegay in Kenya ay u baahan tahay inay dib uga fakarato beer jileeca ay u sameyso Soomaalida oo ay ku taageerto xerooyinka qaxooti, sida uu hadalka u dhigay.

Xerada qaxooti ee Dadaab ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ugu weyn caalamka, ayada oo 30 kun oo Soomaali ahna sidoo kale la rumeysan yahay in ay ku nool yihiin magaalada Nairobi.

Dad badan oo Kenyan ah ayaa sidoo kale iminka jeclaanaya in Soomaalida joogta Nairobi ay dalkooda ku laabtan, sababo dhinaca amniga la xiriira.

Si kastaba, go’aanka lagu celinayo Soomaalida ayaa waxaa diidan hay’adda UNHCR, oo xerooyinka maamusha, waxaana tallabo kasta oo Kenya ay qaado ay ka hor iman doontaa xeerarka caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiisa Nairobi
Caasimada@live.com