26.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Sawirro: Gaadiid casri ah oo lagu wareejiyay DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone d’Urso, ayaa gaadiid ku wareejiyay Wasaarada amniga Gudaha Somalia, kuwaasi oo la sheegay in loo adeegsan doono howlaha amni ee ka socda magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu kala wareejinaayay Gaadiidka ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasaarada u gudoomay Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar.

Munaasabada ayaa waxaa joogay Saraakiil aad u badan oo ka tirsanaa Hay’ada Booliska kuwaasi oo loogu tallo galay in gawaaridaasi ay kasii gudoomaan Wasiirka Amniga.

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Michele Cervone d’Urso, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in gaadiidkaasi waxbadan looga qaban doono howlaha amni.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka barbar hadlaayay Wakiilka, ayaa Midowga Yurub kaga mahadceliyay taageerada uu markasta siiyo Dowladda Dhexe Somaliya.
deeq1

deeq2

deeq3

deeq4

deeq5

deeq6

deeq7

deeq8

deeq9

deeq10

deeq11

deeq12

deeq13

- Advertisement -

Read more

Local News