Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis, Mudane Axmed Cabdiqaadir Cali (Buux), kaddib munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday xarunta maamulka degmada.
Munaasabaddan xil-wareejinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose, waxgarad, madaxda hay’adaha amniga, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale. Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa la isweydaarsaday hadallo dardaaran, mahadcelin iyo ballanqaadyo la xiriira horumarinta degmada.
Waxbarashada iyo khibradda shaqo ee guddoomiyaha cusub
Guddoomiyaha cusub, Axmed Cabdiqaadir Cali, wuxuu ku dhashay magaalada Eyl ee gobolka Nugaal, 10-kii Oktoobar 1988.
Waxbarashadiisa:
- 2002 – 2003 – Dugsiga Hoose/Dhexe: Maxamuud Xarbi School
- 2005 – 2006 – Dugsiga Sare: Axmed Gurey Secondary School
- 2014 – Bachelor’s Degree in Accounting, International University of Africa
- 2016 – Master’s Degree in Accounting and Finance, Sudan International University
Khibradda shaqo:
- 2011 – 2013 – Wuxuu ka tirsanaa guddoonka sare ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Suudaan
- August 2016 – Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Urur Siyaasadeedkii Daljir
- 2019 – 2022 – Agaasimaha Xarunta Dhexe, ahna Agaasimaha Maaliyadda ee Urur Siyaasadeedkii UPD
- 17 August 2022 – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Madaxtooyada Soomaaliya
- 27 July 2025 – Waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Shibis
Guddoomiyihii hore ee degmada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkan uu ku wareejiyo qof aqoon iyo karti u leh hoggaaminta bulshada.
Guddoomiyaha cusub ee degmada, Axmed Cabdiqaadir Cali (Buux), ayaa dhankiisa uga mahadceliyay kalsoonida lagu siiyay xilkan. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo sheegay inay masuuliyaddan u dhiibeen kalsooni buuxda.
Wuxuu ballanqaaday in uu xoogga saari doono:
- Horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo nadaafadda
- Xoojinta amniga iyo wada-shaqeynta laamaha kala duwan
- Kobcinta ka-qaybgalka shacabka iyo daahfurnaanta maamulka
“Maamulka degmada wuxuu noqon doonaa mid u furan shacabka, isla markaana si daacadnimo ah ugu adeega danahooda,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi ay ka muuqatay rajo iyo hiigsi horumarineed oo cusub.