Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa xalay kormeer sameeyey, isaga oo u kuur galayey bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho.
Cumar Filish oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday dhowr degmo, isagoo qiimeynayey xaaladaha amniga, nadaafada iyo bandowga, kaasi oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus.
“Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada.”ayuu yiri Cumar Filish.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay qaataan awaamiirta dowladda ee uu ugu horreeyo bandowga si loo xakameeyo Covid-19.
“Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurka Covid-19.
Magaalada Muqdisho oo uu ku sii faafayo xanuunka ayaa waxaa ka dhaqan galay inta badan amaradii ay soo saartay dowladda, sida goobaha waxbarashada oo la xiray iyo bandowga oo si toos ah uga dhaqangalay caasimada, wixii ka dambeeye 8:00 habeenimo.



