Muungaab oo xalay qaaday tallaabo bogaadin mudan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay sameeyay kormeer shaqo, isagoo cagta soo marayay cirifyada caasimada, halkaas oo ay ku tegay booqasho.

Koormeerkan oo loogu kuurgalayay xaaladda amniga ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), iyo Taliyaha Hayโ€™adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee Gobolka Banaadir, Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Meelaha uu booqday Muungaab waxaa kamid ah degmada Cabdicasiis goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Cali Kamiin, Baar Ubax, Balaagsii, Warshadaha, Ekis-Kontarool Balcad, isaga oo ugu dambayn ku soo gunaanaday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

“Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa kormeer ballaaran ku sameeyay qaybo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, isagoo u kuurgalay xaaladda amniga iyo adeegyada bulshada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska duqa magaalada Muqdisho.

Muungaab oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ciidamada ammaanka ku boggaadiyay sugidda amniga iyo sida ay u ugu taagan yihiin inay mar walba u shaqeeyaan shacabkooda.

Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta kormeerka iyo la-socodka xaaladda amniga, isagoo hoosta ka xarriiqay in maamulka gobolka iyo hayโ€™adaha amniga ay ka goโ€™an tahay in la xaqiijiyo nabadgelyada caasimadda.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga caasimadda ay sii socon doonaan, iyadoo kormeeradan iyo dhexgalka shacabka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo hayโ€™adaha dowladeed.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda nabad ah, waxaana guuleystay qorshihii ay la timid Dowladda Federaalka ee ku aadan xasilinta caasimada oo hadda ka caagan dilalkii iyo qaraxyadii joogtada ah ee ay horay uga gaysan jireen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News