Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan safarka waddooyinka, xili haatan uu billowday Roobka Dayrta.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee Puntland, waxaa si gaar ah digniintan loogu diray gaadiidleyda iyo dadka safarreyda ah oo loogu baaqay inay taxadar muujiyaan.
Taliska ayaa ka digay meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka hoostooda, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida.
Sidoo kale waxaa farriin loo diray dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan meelaha u dhow biyo mareennada iyo togagga, iyada oo la faray inay ka fogaadaan goobahaasi.
“Shacabka waxaa lagu boorinayaa in darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan. In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo farriin loo diray ciidamada, gaar ahaan kuwa booliska iyo maamullada degmooyinka oo laga dalbaday inay qaataan kaalintooda, si ay tallaabo u qaadaan haddii xaalad la dareemo, iyada oo heegan la gelinayo gaadiidka gurmadka deg-degga ah.
Puntland ayaa waxaa kusoo noq-noqda dabeylaha, iyada oo inta badan waxyeello ay soo gaarto dadka shacaka ee ku dhaqan dhulka xeebaha iyo kuwa u dhow biyo fariisadka.

