29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DENI oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Mareykanka kadib duqeyntii ka dhacday Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay wafdi ka socda dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen taliyaha hawlgalka gaarka ah ee Afrikaa, Major General Claude K. Tudor JR  iyo taliyaha hawlgalka gaarka ah ee Bariga Afrika  Col. Benander.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada, amniga, siyaasadda iyo horumarinta, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayay Danjire Richard Riley ayaa isku soo hadal qaaday la dagaallanka Argagixisada, maadaama Mareykanku uu qayb ka yahay dagaalka, isaga oo duqeymo ka fuliya deegaannada Puntland, kuwaas oo lagu beegsado Khawaarijta.

Safiirka Maraykanka oo madasha ka hadlay ayaa ku boggaadiyey Puntland hawlgalada ciribtirka ee ka socda buuraha Calmiskaad, isaga oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray.

Waxaa kale oo jiray kulan gaar ah oo dhex-maray saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika iyo saraakiisha Puntland ee hoggaamineyso hawlgalka Hillaac ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, kaasi oo diiradda lagu saaray sii wadida dagaalka socda.

Kulankan ayaa kusoo aaday, iyada oo Mareykanka sheegtay duqeyn culus oo todobaadkii hore ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo uu sheegay inuu ku beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaca iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa timid iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaal, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Si kastaba, Dhacdadan waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News