Sawirro: Gudoomiye Xuseen Khadiib iyo wefdi la socda oo gaaray Dusa-Mareeb

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Qurba-joogta GalMudug (GEDAN), Xuseen Khadhiib oo safar shaqo ah ku joogay Soomaaliya, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Dusa-Mareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka GalMudug. 

Guddoomiyaha qurba joogta Yurub iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweyn diirran ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada GalMudug Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid, waxeyna ka wadahadleen sidii qurba-joogtu ay kaalin  muuqata kaga qaadan lahaayeen mashaariicda maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha adeega bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhiiragelinta ganacsiga. 

“GalMudug waxeey cagta saartay waddadii horumarka, waxaan xoogga saareynaa sidii bulshada ku dhaqan GalMudug u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay ugu horreeyso waxbarasho, caafimaad iyo in la hormariyo adeegyada bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid.

“Waxaan aragnay nidaam si habsami leh u shaqeynaya, muddada koobban ee GalMudug ay jirtay iyo horumarka lixaadka leh ee ka muuqda hay’adaheeda dowliga ah waxaa la oran karaa waa dedaal nafti-hurnimo ah, waxaan kala hadalnay madaxdii hay’adaha iyo wasaaradaha ee aan la kulanay in Dalladda GEDAN tahay buundadii ku soo  xireysay GalMudug qurba joogteeda ku kala firirsan dacalada dunidda,” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo  uga mahadceliyay mas’uuliyiintii iyo madaxdii ku soo dhoweeysay goobihii uu booqday.

Guddoomiyaha wefdigiisa waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdikariin oo ka mid ah aqoonyahanada GalMudug, ahna La-taliyaha dhinaca mashaariicda ee dalladda GEDAN.

“Labadii cisho ee aan ku sugnaa Dusa-Mareeb wasaaradaha aan booqanay waxaa ka mid ah caafimaadka, ganacsiga, waxbarashada iyo xuquuqda haweenka,” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cali Ciid oo si u soo dhoweeyay isaga iyo wefdigiisa.