Sawirro: Haweeyney iska dhigi jirtay nin oo gacanta lagu dhigay iyo hub lagu qabtay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u soo bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi.

Sawirro laga soo qaaday Haweeneydan ayaa la arkayay iyada oo xiran dharka Ragga, gaar ahaan Macaawiis, Shaati iyo Camaamad.

Wararka ayaa intaasi ku daray in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay goob ganacsi oo ay laheyd.

Taliyaha Booliska G/ Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano xoogan.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag.

Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug.

Sheekadan ayaa dhalisay hadal heyn badan, iyadoo ay si aad ul yaaban yihiin dadka ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com