Sawirro: Hay’adaha amaanka DF oo maanta Jaray waddooyin hor leh xili ay cabsi jirto

Muqdisho (Caasaimada Online)-Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa maanta dhagxaan hor leh ku jaray waddooyinka xaafadaha dhexmara ee magaalada Muqdisho.

Waddooyinka la jaray ayaa ah kuwa jidcadayaasha ee isku xira xaafadaha iyo laamiyada, iyadoo arintaan ay tahay mid culeys hor leh ku keenaysa Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaani lagu jaraayo waddooyinka Jidcadayaasha ayaa bilowday habeenimadii xalay waxaana xoogooda la xiray maanta oo Axad ah.

Ciidamada Qaranka oo amar buuxa ka heysta Hay’adaha amaanka ayaa gooyay dhamaan jidcadyaasha dhexmara xaafadda Buulo Xuubey, Hodan, Waabari waxaana hawlgalka uu ka soo bilowday Isgoyska Danwadaagta.

Jaritaanka waddooyinka Jidcadayaasha ayaan gaadiidka u suuragalineynin inay laamiga ka leexdaan, sababtoo ah dhamaan jidcadyaasha xaafadaha dhexmara ayaa lagu jaray dhagxaan iyo caro tuur si uusan gaari u marin.

Sidoo kale ciidamada ayaa gooyay jidcadyaasha mara wadada ka timaada Isgoyska Banaadir ee sida tooska ah u gasha Isgoysak Tarabuunka, gaariga Banaadir ka soo baxa kama leexan karo wadada illaa uu ka tago Isgoyska Tarabuunka.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka in lagu suggo amniga Muqdisho, sidoo kalena gaadiidka aysan ka baxsan Koontaroolada ciidamada la istaajiyay ee gaadiidka lagu baaraayo.

Gaarigii fuliyay weerarka Ismiidaaminta ee Maqaayadaha Posh Treats iyo Pizza house, ayaa kasoo baxay xaafadaha Degmada Hodan, waxa uuna kasoo galay dhanka Tarabuunka, waxa ayna tani qeyb ka tahay sababaha loo jaray waddooyinka JIdcadayaasha.