Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad tii ugu weyneyd ee dhalisa Korontada ayaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, taasoo dabooli doonta baahida koronto ee ka jirta Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.
Munaasabad lagu soo bandhigayay shirkaddan cusub oo lagu magacaabo Teknopower ayaa waxaa hirgeliyay Ganacsato Soomaaliyeed iyadoo injineero dibada laga keenay oo u kala dhashay dalalka Ugandha, Kenya, Tanzania, Ethiopia iyo Erateria ay ka howgeli doonaan.
Shirkadan Teknopower ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa waxay soo bandhigtay Dab dhaliyeyaal waaweyn oo ay ku howlgeli doonto, iyadoo Injineeradii munaasabada ka soo qeyb galay oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib ay sheegeen in qorshaha hirgalinta shirkadan koronto dhalinta ee Teknopower uu soo socday muddo badan, islamarkana lagu guuleystay in xafiiskeeda weyn laga furo magaaladda muqdisho.
Madaxa shirkadda Teknopower Maxamed Daahir ayaa sheegay in shirkaddooda ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska dalka isla markaana u diyaarsan yihiin daboolida baahida tamarta korontada guud ahaan dalka.
Wuxuu sheegay Maxamed Dahir in shirkaddooda ay xiriir wada shaqeyn la leedahay shirkado waaweeyn oo muddo soo jiray oo dalka dibadiis ka howl gala badankoodana soo shaqeeynayay mudo dheer oo ka badan 100 sano.
Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka 1991-kii waxaa meesha ka baxday adeegii tamarka iyo koronta dhalinta ay qaban jirtay dowladdii dhexe, waxana xiligaasi wixii ka danbeeyay dalka ka howlgala shirkaddo gaar loo leeyahay oo sidii la rabo looga helin adeega rasmiga ah ee Koronto.
Isha: Warfaafiye.com