Sawirro: Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya usoo diray afar diyaaradood oo sida…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa markale deeq gargaar ah maanta usoo dirtay Soomaaliya, taas oo ka timid magaalada Abu Dhabi, isla-markana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha.

Deeqdaan oo lagu keenay illaa 4 diyaaradood ayaa waxaa la wareegay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gargaarka ayaa ah 26 Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka, sida ay shaacisay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal kooban soo saartay

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaan goor dhow kala wareegnay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka. Waxaa deeqdan si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane Axmed Abuukar Axmed,” ayey tiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumada federaalka Soomaaliya.

Waa deeqdii shanaad oo ka timaada dalka Imaaraadka Carabta oo horey gargaar kala duwan usoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Dowladda Imaaraatka waxa ay inoo soo gaarsiisay deeq raadhiin ah oo lagu keenay afar diyaaradood tani waa deeqdii shannaad oo ay dalka soo gaarsiiyaan,” ayey sii raacisay.

Imaaraadka ayaa u muuqdo inuu ku dadaalayo dib u soo nooleynta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo xumaa 5 tii sano ee lasoo dhaafay.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo isku dhawaasho ay sameeyeen xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii uu Imaaraadka gaaray Ra’iisul wasaare Rooble.