Sawirro: IMF oo si rasmi ah u shaacisay inay taageertay qorshaha dowladda Somalia

Washignton (Caasimada Online) – Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Somaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay horraanta 2020.

“Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xoogan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadaoo ay jireen caqabado badan, Waxaan is-weydaarsanay muhiimadda ay leedahay in daynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan, iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u daymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF

Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Somaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta, iyadaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhameystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

“Joogteynta shaqo wanaagga xoogan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay wadada u xaareysaa Somaliya in daynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhow.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaalada Somaliya ee dayn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah dayn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta.

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaalada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Somaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, si ay ugu furmaan albaabbada hay’adaha dhaqaalaha adduunka.