25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Sawirro: IRAN oo si xun u garaacday Haifa iyo Tel Aviv kadib markii difaaca Israel…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Gantaallo ay Iiraan soo ridday ayaa waaberigii Isniinta ku dhuftay magaalada Tel Aviv iyo dekedda Haifa ee Israa’iil, iyagoo dilay ugu yaraan siddeed qof, burburiyay guryo, taasoo keentay in wasiirka difaaca Israa’iil uu uga digo shacabka Tehran inay “dhowaan bixin doonaan qiimaha weerarkaas.”

Iiraan ayaa sheegtay in baarlamaankeedu diyaarinayo hindise sharciyeed looga baxayo heshiiska Caalamiga ah ee Kahortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT), inkastoo ay xustay in Tehran weli si buuxda uga soo horjeedo horumarinta hubka wax gumaada. Meelmarinta sharcigan ayaa laga yaabaa inay qaadato toddobaadyo.

Waxaa la aaminsan yahay in Israa’iil ay haysato kayd weyn oo hub nukliyeer ah, hase yeeshee ma xaqiijiso mana beeniso jiritaankiisa. Waa waddanka keliya ee Bariga Dhexe ee aan weli saxiixin heshiiska NPT.

Milateriga Israa’iil, oo weerarro cir ah ku beegsaday hoggaanka nukliyeerka iyo ciidamada Iiraan, ayaa Isniintii sheegay in ay dileen afar sarkaal oo sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka, oo uu ku jiro madaxa laanta sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa intaas ku daray in toddoba gantaal oo ka mid ah ku dhowaad boqol oo ay Iiraan habeenkii ridday ay ku dhaceen gudaha Israa’iil. Afhayeen u hadlay milatariga ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay haysato gacan ku haynta buuxda ee hawada Iiraan isla markaana ay burburisay in ka badan saddex meelood meel ka mid ah goobaha ay Iiraan ka tuurto gantaallada dhul-ka-dhulka ah.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhaawacmay Israa’iil weerarkii habeenkii—kaasoo qeyb ka ah duqeymo ay Iiraan ku jawaabtay kadib weerarro Israa’iil ku beegsatay barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ridada dheer ee Iiraan.

Iiraan, oo wajahaysa xaaladdeeda amni ee ugu liidatay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, ayaa sheegtay inay xirtay dad badan oo lagu eedeeyay inay yihiin “jasuusiin” la shaqeeya Israa’iil tan iyo markii dagaalku billowday.

Lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday ugu yaraan 10% marka loo eego dollarka Mareykanka tan iyo weerarkii Jimcihii ee Israa’iil ay ku qaaday cadowgeeda qadiimiga ah.

Walwalka laga qabo inuu dagaalku sii ballaarto ayaa dul hoganaya shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha G7 ee ka socda Canada. Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii muujiyay rajo heshiis, balse dagaalka—oo galay maalintiisii afraad—wuu socday oo ma muuqan wax degganaan ah.

Deganaanshaha juqraafiyeed ee Bariga Dhexe ayaa mar horeba khalkhal galay, kaddib markii uu dagaal culus ka qarxay Gaza oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Tirada guud ee dadka ku dhintay Israa’iil weerarrada gantaallada Iiraan ayaa hadda gaartay 24 qof, dhammaantoodna waa dad rayid ah. Si kastaba waxaa la rumeysan yahay in tirada ay intaas aad uga badan tahya.

Dhinaca Iiraan, dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan 224 qof, iyadoo 90% ay yihiin rayid, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in isbitaalka Farabi iyo nawaaxigiisa oo ku yaalla gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka ay si xun u saameeyeen gantaallo ku dhacay, taasoo keentay burbur hantiyadeed oo baaxad leh.

Dhinaca Israa’iil, howlgalada samatabbixinta ayaa ka socday magaalada Haifa, halkaas oo ilaa 30 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah. Dab xooggan ayaa ka kacay warshad koronto u dhow dekedda.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay dhowr gantaal oo dul maraya Tel Aviv, iyadoo qaraxyo laga maqlay halkaas iyo magaalada Qudus.

Guryo badan oo ku yaalla xaafad si weyn loo deggan yahay oo Tel Aviv ah ayaa la burburiyay, daaqadaha hoteello iyo guryo u dhow laanta safaaradda Mareykanka ayaana qarxay. Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in dhismaha uu gaaray waxyeello yar, balse aysan jirin wax dhaawac ah oo gaaray shaqaalaha.

“Waa argagax”

Guydo Tetelbaun, oo ah 31-jir cunto kariye ah, ayaa ku sugnaa gurigiisa Tel Aviv markii digniinaha la bixiyay abbaaro 4-tii subaxnimo (0100 GMT).

“Sida caadiga ah, waxaan u galnay qolka gabbaadka oo ku yaalla dhabarka guriga,” ayuu yiri. “Daqiiqado gudahood, albaabka gabbaadka ayaa qarxay.”

“Waa cabsi badan sababtoo ah wax kasta waa la’ogaan la’yahay—waxay noqon kartaa bilowga waqti dheer oo sidaan u eg, ama way kasii dari kartaa, ama rajadeennu ha ahaato in ay hagaagto. Laakiin waxa aan la hubin ayaa ah waxa ugu cabsi badan.”

Gantaallada waaberiga ayaa sidoo kale ku dhacay agagaarka Suuqa Shuk HaCarmel ee Tel Aviv—suuq si weyn loo jecel yahay oo caan ku ah iibinta khudradda iyo miraha cusub.

Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu adeegsaday farsamo cusub oo keentay in nidaamyada difaaca ee Israa’iil ay si qalad ah isugu dhacaan, taasoo suurtagelisay in bartilmaameedyo badan si toos ah loo garaaco. Faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

Milateriga Israa’iil weli kama uusan jawaabin codsi warbaahintu u dirtay oo ku saabsan weerarrada.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku yiri bayaan: “Kali-taliska isla weyn ee Tehran wuxuu isu beddelay dilaa fulay ah oo beegsanaya rayidka Israa’iil si uu u cabsi geliyo IDF oo burburinaysa awooddiisa.”

“Shacabka Tehran waxay bixin doonaan qiimaha — waana dhowaan.”

Markii dambe, Katz ayaa soo saaray bayaan kale oo uu ku sheegay in Israa’iil aysan doonaynin in si ula kac ah loo waxyeelleeyo shacabka caasimadda Iiraan.

Madaxda G7 oo shiraya

Hoggaamiyeyaasha dalalka G7 ayaa Axaddii ku kulmay buuraleyda Canadian Rockies, iyadoo colaadda Israa’iil-Iiraan ay ahayd qodobka ugu muhiimsan ajandaha.

Kahor intii uusan ka dhoofin Washington, Trump ayaa la weydiiyay waxa uu sameynayo si xaaladda loo dejiyo. “Waxaan rajeynayaa in heshiis la gaaro. Waxaan qabaa in waqtigu yahay hadda,” ayuu u sheegay warfidiyeenka. “Mararka qaar waa inay dagaallamaan si wax walba u cadaadaan.”

Qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay Isniintii kadib markii uu Jimcihii sare u kacay 7%, iyadoo sababtu tahay in weerarradii Israa’iil iyo Iiraan aysan saameyn ku yeelan goobaha wax-soo-saarka iyo dhoofinta saliidda. Inkastoo maal-gashtayaasha ay weli feejigan yihiin, suuqyada saamiyada iyo lacagaha ee Aasiya wax isbeddel weyn laguma arkin.

Israa’iil ayaa sheegtay in ol’olaha milatari uu sii xoogeysan doono maalmaha soo socda.

Trump ayaa bogaadiyay weerarka Israa’iil, wuxuuna beeniyay eedeymaha Iiraan ee sheegaya in Mareykanku ku lug leeyahay. Waxa uu sidoo kale uga digay Tehran in aysan fidin weerarkeeda si ay ugu beegsato danaha Mareykanka.

Trump ayaa marar badan sheegay in Iiraan ay joojin karto dagaalka haddii ay oggolaato xayiraado adag oo lagu saaro barnaamijkeeda nukliyeer—kaasoo Iiraan ku tilmaantay mid loogu talagalay ujeeddooyin nabadeed, balse reer Galbeedku iyo hay’adda IAEA ay sheegayaan in laga yaabo in loo adeegsado samaynta hub nukliyeer.

- Advertisement -

Read more

Local News