Sawirro: Is-beddelka dhaqaale iyo bilic ee Adan Adde Airport oo lasoo saaray

Warsaxaafadeed

Waxaan ku faraxsannahay in dakhliga kasoo xarooday gegida dayuuradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho uu si weyn u kordhay saddexdii bilood ee ugu horreysay howlgalkeena. Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay in ka badan $1.1 million oo dakhli toos ah gegida, tan iyo markii shirkadda Favori lagu wareejiyey, oo aheyd 15-kii September 2013.

“Kororkani wuxuu ka dhigan yahay in ka badan 50% dakhligii dowlada soo gali jiray, xilliga ugu dhow ee lagu cabbiri karo,” ayuu yiri Axmed Cetin, madaxa shirkadda Favori LLC. “Waxaa naga go’an inaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ka taageerno sidii loo sii kordhin lahaa dakhligaas, iyadoo aan dib u dhisi doono terminaalka weyn”.

Heshiiska ay Favori la saxiixatay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya in Favori ay dhisto terminaalka weyn ee gegida dayuuradaha Muqdisho, iyo inay balaariso goobaha ay dayuuraduhu istaagi karaan, iyo waliba dhabbe cusub oo ay dayuuraduhu ku socdaan, si loo kordhiyo adeegga gegida Muqdisho. Diyaar garowga mashruucani wuu bilowday, waxaana la filayaa in terminaalka cusub la dhammeystiro bartamaha sanadka 2014-ka.

“Terminaalka cusub wuxuu sii kordhinayaa dakhliga usoo xarooda dowladda 40% dheeraad ah,” ayuu yiri Cetin. “Shirkadda Favori waxaa ka go’an inay maal-gashi dheeraad ah sameyso, isla markaana ganacsiga Soomaliya xoojintiisa gacan ka geysato”.

Gegida caalamiga ah ee Muqdihso waxay hadda u adeegtaa illaa iyo 42 shirkad duulimaad. Tan iyo markii ay shirkada Favori la wareegtay masuuliyadiisa, waxaa kordhay shirkadaha duullimaadka ee is-diiwaan galinaya. Celcelis ahaan todobaadkiiba hal shirkad oo cusub ayaa kusoo biirta.

Shirkadda Favori LLC waa mid gaar loo leeyahay oo saldhiggeedu Muqdisho yahay. Adeegyada ay qabato waxaa ugu waaweyn adeegga dhulka ee dayuuradaha, iyo maamulka iyo maareynta gegiyada dayuuradaha. Waxaa shirkadan maal-gashaday laba shirkadood oo Turkey ah, oo kala ah Cetin Group iyo Kozuva Group, waxaana u shaqeeya illaa 7,000 oo qof, illaa $170 million oo dollar ayayna shirkaddu sanadkii ku howl-gashaaa.

CETIN wuxuu ku gabagabeeyay hadalkiisa “Hadafka shirkadda Favori waa inay hagaajiso, oo isku dubba-riddo adeegyada gegida dayuuradha ee caalamiga ah ee Muqdisho, isla markaana soo gaarsiiso heerarka caalamiga ah si ay u xiriir adag ugu sameeyaan bulshada caalamka iyo muqdisho. Tani waxeey keeneysaa fursad lagu qurxiyo lugana taageero dib-u-habeeynta bulshada iyo dhaqaalaha wadanka aan Walaalaha nahay.”

Sawirrada garoonka

faf 1faf 2faf 3faf 4faf 5faf 6faf 7faf 8faf 9faf 10