DFS oo ku dhowaaqday in dagaalkii ka socday Sh Hoose uu dhammaaday

Afgooye (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in uu dhammaaday dagaalladii u dhexeeyay beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal.

Taliyaha qaybta koobaad ee ciidamada xoogga Soomaaliyeed, Gen Maxamed Xasan Qaafow ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Shabeellaha Hoose ka socday gaar ahaan deeganka Lambar 50 in lagu guuleestay in la joojiyo.

Gen: ayaa tilmaamay dowladda in ay ku guuleesatay in la kala qaado labada maleeshiyo beeleed lana kala geeto deegananda Ceel-Jaale iyo Garabaareey oo hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in deeganka lagu dagaalamay la geeyay ciidamo nabad sugid iyo boolis isugu jirra kuwaasoo hadda ammaanka la wareegay.

Ugu dambeyn taliyaha qaybta koobaad ee ciidanka xoogga ayaa dadkii ka barakacay deeganka ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan.

Ma cadda warkan sida uu xaqiiqo u yahay, waayo garab ka mid ah dhinacyada ku dagaalamay deeganka Lambar 50 ayaa weli dhaliilo u jeedinaya dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya aya wafdi u dirtay gobalka Shabeellaha Hoose si loo kala qaado maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamaya deeganka gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com