Dadka MUQDISHO oo la yaaban waxa guddoomiye TARSAN ku kalifay inuu…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa baaq u eg inuu ku dhiiri gelinayo dhul boobka ka socda Muqdisho, mar kale sameeyey, taasi oo shacabka ka yaabisay.

Tarsan, ayaa isku dayaya inuu dadka leh dhulalka aan cabirneyn ee duleedka magaalada ku qasbo inay dhulkooda iibiyaan, xilli markii horeba magaalada oo idil uu ka socday dhul boob xooggan.

Isaga oo ka hadlayey degmada Dayniile, ayaa Tarsan waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ee dhulalka waa weyn ee cidlada ah ku leh magaalada daafaheeda in fursadda ay ka faa’ideystaan, ayna ogolaadaan dhulalka in laga iibsado si looga dhiso guryo, hoteelo, shirkado IWM.

20_DEC_2013HTarsan ayaa waxaa uu sheegay qorshahaan in uu uga dan leeyahay si dalka uu u dhismo isla markaana shacabka ay uga faa’ideystaan, hase yeeshee dadka qaar ayaa u macneeyey dano gaar ah oo uu lee yahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa maalin kasta ka socda dacwado la xiriira dhulal la kala boobay iyo kuwo si qaldan loo iibiyey, taasi oo kumanaan dollar ay ku heleen Tarsan iyo garsoorka.

Maxkamadaha ayaa waxaa mar walba ku guuleysta cidda lacagta ugu badan siisa maamulka Gobolka Banaadir ee Tarsan, ayada oo la arkay kiisas dad haysta warqado sax ah oo ka yimid dowladdii Maxamed Siyaad Barre, oo dhulkooda loo xukmiyey dan aan waraqad haysan, balse lacag badan bixiyey.

Dad badan, ayaa ka taxaddarsan inay dhulkooda iibiyaan ama iibsadaan dhul, inta ay ka hubsanayaan in dowladda dalka iminka ka jirto ay ka noqoneyso mid la isku halayn karo.

Hadalka cusub ee Tarsan, ayaa ah mid sii dhiiri gelinaya doodaha la xiriira dhulka, sida ay sheegeen dadka deegaanka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com