27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Sawirro: Isbitaalka Dalmar oo ka qeyb galay bandhiga Waxbarashada KOBAC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee Dalmar ayaa ka qeyb galay carwada waxbarashada (Kobac Expo) oo labo cisho ka socotay Beerta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Bandhigan oo la qabanayey muddo toddoba sano ah ayaa waxaa ka faa’iideysta ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka, jaamacadaha, xarumaha lagu barto xirfadaha gacanta, isbitaallada iyo ganacsatada dalka ee keena agabka waxbarashada. Bandhigan waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Xarunta Kobac ee Tababaridda, La-talinta iyo Wacyigelinta, taas oo uu aasaasay Macallin Kobac, oo ah shaqsi ku dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

“Ujeeddada bandhigan waa inaan isku xirno ardayda iyo hay’adaha u adeegaya. Waxaa sanadkan ka qeyb galaya in ka badan 40 jaamacadood oo talooyin iyo waxqabadkoodaba u soo bandhigaya ardayda. Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya isbitaallo ardayda caafimaadkooda ku samaynaya baaritaanno iyo talooyin ku saabsan mustaqbalkooda. Waxaa kale oo ka qeyb galaya iskuullo lagu barto xirfado kala duwan iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya arrimaha waxbarashada,” ayuu yiri Ustaad Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Macallin Kobac), Guddoomiyaha Bandhiga Kobac Expo, oo ka hadlayey munaasabadda furitaanka bandhigga oo ay ka qeyb galeen kumannaan arday oo u diyaar garoobaya in sanadkan ay ku biiraan jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka Taqasusiga & Tacliimiga ah ee Dalmar, Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka bandhigga Waxbarashada Kobac. Wuxuu xusay in, iyagoo ka duulaya baahida caafimaad iyo duruufaha dalka ka jira, ay go’aansadeen inay baaritaanno caafimaad u sameeyaan ardayda sanadkan ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka oo isku diyaarinaya inay u gudbaan heerka waxbarasho ee jaamacadeed.

Isbitaalka Dalmar oo qeyb ka ahaa carwadan ayaa halkaas u diray koox ka kooban dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad. Mudadii labada cisho ee carwadu socotay, waxay sameeyeen baaritaanno kala duwan iyo la-talin bilaash ah oo ay siiyeen ardaydii ka soo qeyb gashay bandhigga. Ardaydii u baahday baaritaanno dheeraad ahna waxaa loo gudbiyey xarumaha Isbitaalka, iyadoo adeegyada qaar loogu sameeyey qiimo-dhimis gaaraysa 50%.

Sidoo kale, ardayda waxaa la siinayey kaar bilaash ah oo ay ku booqan karaan dhammaan dhaqaatiirta ka howl gala qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Qaar ka mid ah ardaydii soo booqatay goobta ay ka howlgalayeen kooxda ka socotay Isbitaalka Dalmar ayaa u mahadceliyey maamulka Isbitaalka, gaar ahaan dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaashii halkaas ku sugnaa, iyagoo ku ammaanay sida hufan ee ay u soo dhoweeyeen iyo adeegyada caafimaad ee ay ugu qabteen.

Isbitaalka Dalmar (Ex-Al-Nuur Eye Hospital) wuxuu ahaa isbitaalkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee laga furo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya sanadkii 2002, xilli ay jireen duruufo adag oo sababay in inta badan dhaqaatiirta qurbaha ku maqnaa aysan ku dhiirran inay dalka ku soo laabtaan. Shaqada Isbitaalka maalin keliya ma joogsan muddadii 23-ka sano ee uu jiray, waxaana adeeggiisa ka faa’iideystay tobanaan kun oo qof.

Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dalmar waa isbitaal casri ah oo leh adeegyo dhammaystiran. Waxaa ku jira qeybaha bukaan-socodka ee taqasusyada kala duwan, bukaan-jiif, shaybaar, raajo, gargaarka degdegga (ICU), daweynta iyo qalliinka indhaha, sifeynta kelyaha, caafimaadka iyo qurxinta ilkaha (Dentistry), dhalmada iyo qalliinnada guud.

- Advertisement -

Read more

Local News