27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xiisad culus oo ka dhex-qaraxday safiirada Somalia ee dalalka Kenya iyo Tanzania

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Xiisad wayn ayaa ka dhex-qaraxday laba safaaradood oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyo midda Dar es Salaam ee caasimada dalka Tanzania, kuwaas oo isku qabsaday kiis xasaasi ah oo dhaliyay dood xooggan.

Xiisadda ayaa timid, kadib markii safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobo Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo wafdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayo ay gaareen Magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska danjire Jabriil safarka wafdigan ayaa daba socday kulamo mudo sanad ah u socday safaaradda dalka DRC Congo ay ku leedahay dalka Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, iyaga oo kaashanaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Ujeedka ayaa ah xoojinta ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ee ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Africa. Ku biiritaanka ay Soomaaliya ku biirtay Urur Goboleedka Bariga Afrika taas oo sidoo kale siii dhiirigaliyay in ganasatada Soomaaliyeed  inay ku dhiiradaan in ganasigooda ku baahiyaan suuqayada Bariga Afrika.

“Haddaba Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaarada dalka DRC Congo ee dalka Kenya ayaa si wadajira u soo qaban-qaabiyay safarkaan isugu jira xog-wareeysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaalida iyo dhiirigalinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa horay ugu guulaysatay inay xabsiga ka soo deyso Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Somalia ee Nairobi.

Intaas kadib waxaa qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah tallaabada Danjire Jabriil iyana qaaday safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam oo ka hortimid safarkiisa DRC Congo, waxayna tilmaamtay in iyadu ay mas’uul uga tahay Soomaaliya danaha dalka DRC Congo.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in safiirka Soomaaliya ee Kenya aanu kusoo wargelin safarkiisa, sidaas daraadeedna uu ka baxsan yahay sharciga diplomacy-yada iyo kan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

“Safaarada JFS uqaabilsan dalka Tanzania waxay cadeeyneysaa in Congo DRC ay Dowlada Federalka Soomaaliya iyada masuul uga tahay Danaha Dowlada iyo Dadka, Safarka lasheegey inuu Safiirka Kenya wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaaliyeed kutagey Kinshasa, haba yaraatee Safaarada uusan lasoo wadaagin xogta Safarkiisa iyo Ujeedkooda taas oo ah mid kabaxsan Sharciga Diplomacy yada iyo kan Arimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Dar es Salaam.

Hoos ka daawo sawirrada wafdiga:-

- Advertisement -

Read more

Local News