27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Israel ee Qatar + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay weerarkii duqeynta ahaa ee todobaadkan Israel ka gaysatay gudaha magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka gaystay dalka Qatar, gaar ahaan magaalada Doha.

Golaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.

Intaas kadib kulanka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, kaa oo nidaamin doono fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada hilibka.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu cambaareysay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ka fuliyeen magaalada Doha, waxaana bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Doha, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Waxaa kaloo jirta in dalalka Soomaaliya, Algeria iyo Pakistan ay ka dalbadeen Golaha Amniga ee QM in fadhi deg-deg ah ay ka yeeshaan weerarka Israel ee magaalada Dooxa, si loo qaado tallaabada ugu haboon ee ku aadan jawaabta Israel.

Soo jeedintaan waxaa sidoo kale taageeray waddamada Faransiiska iyo Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amniga, waxaana arrintan ay ka dambeysay kadib markii Qatar ay ashtako u gudbisay QM oo ku saabsan weerarka Israel ee gudaha Doha.

- Advertisement -

Read more

Local News