Kulan ay soo qabanqaabiyeen ururka HIMILO, ayna ka soo qeybgaleen Jaaliyadda Gobolada dhexe ee ku dhaqan Holland ayaa lagu qabtay Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland 13-kii bisha December, waxaanna kulankankan uu daba-joogay kulamo sannadihii ugu dambeeyey ay wadeen Jaaliyadda Gobolka Galguduud oo wax loogu qabanayo sidii bulshadda ku dhaqan Gobolkaasi looga taageeri lahaa dhinacyada dib u dhiska adeegyada bulshadda.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen waxgarad kala duwan oo ka kala yimid dalalka Holland, Jarmalka & Bilgamka ayaa baaq loogu jeediyey dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Gobolka, waxaanna aqoonyahanada & waxgaradka Jaaliyadda Holland iyaga oo ka tiiraanyeysan qasaarihii ka dhashay xiisadaasi ay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya in dagaalka degdeg lagu bedelo caqiibo nabadeed.
C/nuur C/llaahi Ciidle oo ka mid ah waxgaradkii kulankaasi ka qeybgalay wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in iyada oo bulshadda Goboladaasi ku dhaqan ay garowsadeen in ay meel uga soo wada jeestaan hagaajinta masiirkooda in xiisado dagaal Gobolkaasi laga soo sheego, waxaanna waxgaradka kulankaasi ka qeybagalay ay soo saaraayeen baaq colaad joojin ah.
“Anigu waxaan leeyahay yeynaan dib ugu noqon rabsho iyo dhaqan umadaha horumaray waa hore ka tashadeen. Dadka deegaannadaasi deggan waa in la fahamsiiyaa, lana baraa inay aqbalaan kala duwanaanshiyaha fikirka, oo haddii la kala fikir duwan yahay ay waajib tahay in laga mideysnaado danta guud oo ah in la ilaaliyo nabadda, caruurta Gobolkaasi ku dhaqanna loo abuuro fursado waxbarasho” Ayuu yiri C/nuur Cabdullaahi Ciidle.
Marwo Khadra Kaariye Kheyrre oo ku hadashay codka dumarka waxey dhinaceeda ugu baaqday walaalaha diririya inay bulshada iyo naftooduba badbaadiyaan, waxaana ay tilmaantay in bulshadda ku dhaqan Gobolka aysan u baahneyn colaad & xasarad hor leh.
“Nabadda Gobolka ka jira qolo gaar ah yeeysan is laheysiin bulshadda ayaa wada keensatay, dhalinyarada & aqoonyahanada waa in ay u istaagaan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshadda” Ayeey tiri Marwo Khadro, waxeyna intaa ku dartay muhiimada ay leedahay in bulshada horumarka lagu wacyigeliyo.
Nabaddoon Yaasiin Cabdi Faarax oo ka mid ah odayaasha caanka ah ee Gobolada dhexe ka soo jeeda, ayaa isna ku booriyey waxgaradka, nabadoonada & aqoonyahanada ku dhaqan Gobolka in ay u midoobaan sidii loo joojin lahaa colaada cusub.
Guddiga ururka Himilo ayaa warbixin ka siiyey Jaaliyadda halka ay marayaan howlo Guddiga loo igmaday, oo ku saabsan in bulshadda Gobolka ku dhaqan gacan laga siiyo dib u kicinta goobaha waxbarashada & caafimaadka.
C/kariin Xoogsade oo ka mid ah maskax-maalka hormuudka u ah ururka Himilo, ayaa qiray inuu jiro horumar lagu faani karo oo laga gaaray in la helo bulsho Soomaaliyeed oo jecel in ay dalkoodii dib u eegaan, kana geystaan wixii ay ku taageero ah oo lagu tabaruci karo dadkooda.
“Waxaan gaarnay annaga oo aynaan cid kale wax ka sugin inaan isku tashano, haddii aan ceel qodi karno, haddii aan iskuul burbursan dabooli karno & haddii aan ummada Gobolkaas ku dhaqan wacyigelin karno, waxa ugu yar ee aan qaban karno waa in aynaan dib u dhigan. Jaaliyadda Galguduud iyada oo isku duuban ayey jeceshahay in ay ka qeybqaadato sidii ay ugu gurman laheyd dadkeeda” Ayuu yiri Cabdikariin, wuxuuna intaa ku daray in ey tahay mas’uuliyad adduun & aakhiro ba ajir laga helayo in aad gacan ka geysato arrin ay ku wada intifaacayaan bulshooyin kala duwan.
Cali Istiila oo ah aqoonyahan ku taqasusay cilmiga beeraha, kana mid ah Guddiga Himilo wuxuu ugu baaqay aqoonyahanada & waxgaradka ka soo jeeda Gobolada dhexe in ay gacmaha is qabsadaan, kana qeybqaataan sidii looga gudbi lahaa jawiga colaada, loona geli lahaa jawi lagu walaaleynayo ummadda ku dhaqan Gobolkaasi.







