28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DHAGEYSO: Xilliga ay doorashooyinka MUQDISHO dhacayaan oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Guuleed (Caano Geel) oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee xagga siyaasadda iyo dimoqoraadiyadda ayaa sheegey in bisha November ee sanadka soo socda ee 2015 la qaban doono doorashooyinka dowladaha hoose ee gobolka Banaadir.

Waxa uu ka hadlayay goob lagu soo bandhigeyey daraasad laga sameeyey dareenka dadka ay ka qabaan doorashooyin ka dhaca gobolka Banaadir oo uu soo diyaariyey mac-hadka Heritage oo gacan ka helaya maamulka gobolka Banaadir.

Caano Geel waxa uu sheegey in doorashada ka hor ay qaadeen talaabooyin dhawr ah oo ay ka mid tahay daraasadani, tabobar loo sameeyey illaa 164 xubnood oo ka tirsan maamulka 17-ka degmo ee Banaadir kaasi oo soo dhamaadey bishii hore, iyo in wacyigalin doorashooyinka ku aadan la sameeyo, taasi oo lasoo gabogabeynayo bisha Maarso ee soo socota.

“Wixii intaasi ka dambeeya anaga iyo Heritage iyo Inter Peace waa naga gudbeysaa hawsha, waxaa la wareegaya madaxda qaranka oo laga doonayo in ay soo magacaabaan gudiga doorashooyinka” ayuu yiri Caano Geel oo intaasi ku darey in ay kala xulanayaan labo hab oo kala ah in qof kasta uu codkiisa dhiibto ama in odayaasha ay soo xulaan golaha deegaanka.

Mar uu ka hadlayay waxa ay la tahay in doorashada soo kordhineyso marka laga tago waxyaabaha daraasadda lagu ogaadey oo ay ka mid tahay in dadku sheegeen in nabad iyo xasilooni soo kordhineyso, ayuu sheegey in uu aaminsan yahay in dadka lasoo doortey ay soo dhicin doonaan xuquuqaha dadka gobolka Banaadir kaga maqan dowladda dhexe.

“Waxay keeneysaa …….. Dadka gobolkani Banaadir xuquuqdooda ku maqan dowladda dhexe ama federaalka ku maqan, hadda wadankii Tuulo-Madaxweynaa qof walbaa sameystey, marka xuquuqdooda ku maqan dowladda dhexe in ay noqoto in dadkaa la doortey ay u raadiyaan, waayo qof la magacaabay dood adagba ma gali karo” ayuu yiri Caano Geel.

“Waxaa lagu tiriyaa gobolkaan in 2 malyan iyo 5 boqol kun qof ay degen yihiin, waxaa laga yaabaa in tiradaasi ay la egyihiin kuwa degen 4 gobol oo Soomaaliya ka mid ah, dadka intaasi la’eg xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe waa in ay noqotaa mid cad, dadkii u doodi lahaana ay noqdaan kuwaasi lasoo doortey” ayuu intaasi sii raaciyey.

Wuxuu qabaa guddoomiye ku xigeenka in maamulka dowliga ah uu kaliya ku dhismayo in wax kasta hoosta laga soo dhiso, oo aysan sax ahayn in wixii dalka ka qaldamaba xalka laga doono in madaxda sare la badalo.

Halkan hoose ka Dhageyso Caano Geel

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News