Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dhowaan ku dhowaaqayo ra’iisul wasaare cusub, ayaa waxaa la filayaa inuu shaqsigaas noqdo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Shacabka Magaalada Muqdisho oo si aad u hadal haayo Magacaabista Cumar C/rashiid, ayaa waxa ay durbadiiba bilaabeen dhaliilo ku aadan Ra’isul wasaaraha Cusub iyo halka uu Madaxweyne Xasan ka tuuray xilkaasi.
Iyaga oo siyaabo kala duwan uga qeyb qaadanayay doodaha Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxa ay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ku dhaliileen inuu iibsaday Badda Somalia intii uu ahaa ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd, xiligaana ay suuragal tahay inuu dalka Somalia dib ugu celsho 23-dii sano ee la soo dhaafay, maadama markii ugu horeysay uu xil ka qabto DFKMG uu ku xadgudbay Hantida Qaranka.
Sidoo kale, waxa ay Madxaweynaha DF Somalia ku dhaliileen in Dowladiisu kusoo afmeerayo Fashil waa haddii ay dhacdo in xilka Ra’isul wasaarenimo u magacaabo Ra’isul wasaarihii hore ee DFKMG Cumar C/rashiid.
“Waxaan illaa iyo hadda jawaab u raadineynaa Baahida keentay in Madaxweyne Xasan uu xiligaani dib usoo celsho Cumar C/rashiid, waa arrin ku tuseysaa mid Ifafoolo u ah Fashilka DF Somalia ee uu Hogaaminaayo Xassan Sheekh” ayuu yiri Aadan Cabdi Jaamac, oo reer Muqdisho ah.
“Intii yareyd ee aan Xasan Sheekh u haynay hadda ayay dhammaatay, ma arag madaxweyne ka dadnimo liita midkan, waase arki doonnaa meesha ay ka tuurto, koleyba annaga waa ka niyad jabnay” ayey tiri Fardowsa Maalin Axmed, oo Iyana reer Muqdisho ah.
Si kastaba, Shacabka Muqdisho waxay badankood aaminsan yihiin in Xasan uusan Cumar ku xulan rabitaankiisa, balse ay u keeneen Faarax C/qaadir oo ah madaxweynaha dhabta ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan iyo Sambaloolshe oo dano gaar ah ka leh.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]