Xaflad casho sharaf ah oo si heer sare loo abaabulay ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Xaflada ayaa waxaa soo qaban qabaayiyay gudoonka Jaaliyada Hirshabelle ee waqooyiga America, xafladan caho sharafta ahayd ayaaa loogu talo galay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, Xilibaankaas oo lagu magacaabo Maxamud Cabdiraxman beenebeene.
Xilibaan Beenebeene ayaa ka mid ah Xilibaanada Dowlada Federaalka ee laga soo doortay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle.
Xafladan casho sharafta ah ayaa isugu yimid aqooyahano, wax garad iyo masuuliyiin ka tirsan magaalada Minneapolis, waxaa xaflada furay gudoomiyaha Jaaliyada waqooyiga America Maxamed Ciise Mudey Waxaa casho sharafta ka hadlay AK Hassan oo ah Commissioner and Vice-President of Minneapolis Park and Recreation Board sidoo kale Prof Mohamed Ali iyo Suldan Abdikarin iyo Wasiirkii hore ee howlaha guud iyo Guriyeenta Saadaq Cabdulaahi iyo madaxa Hiiraan Forum Abdiasis Sacid Geedoow Baadiyow.
Ugu danbayntii Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyada Hirshabelle ee Waqooyiga America Cali Abdalle Adawe Cali Shiino ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Xilibaan Maxamud Abdirahman Beene Beene oo runtii ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee ay Jaaliyada u sameeysay iyo sido kale asigo ka warbixiyay xaalada guud ee dalka, gabagabadiina Jaaliyada ku booriyay in ay dalkooda wax u qabtaan. Sanadkii hore 17-kii October 2018 ayay ahayd markii uu madaxweyne waare uu kusoo saaray wareegto gudoonka Jaaliyada Waqooyiga America, Jaaliyada ayaa ah mid kaalin muuqata uga jirta Waqooyiga America iyo fadhigeeda Minnesota, haday noqon lahayd isku xirka dibada iyo gudaha iyo baraarujinta iyo isku wacyo galinta horumarinta dalka qaasatan deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle.
- Advertisement -