Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Godinlabe

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ku wajahan yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa u tagaya degmada Godinlabe dhameynta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo labo maleeshiyaad ay ku dagaalamay sanadkii lasoo dhaafay.

Deegaanka Kaxandhaale waxaa horey odayaasha dhaqanka ay u diideen inuu halkaasi tago wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay ku qanci waayeen hanaanka loo maray wadahadal siinta labada beeleed.

Xubno ka tirsan maamulka Degmada Godinlabe ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka magaalada iyo deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo dib u heshiisiin laga dhex bilaabayo dhinacyadii ku dagaalamay.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu marar badan dhaliilay in waxyaabaha dowladda ka hergelineyso deegaanada Galmudug aanan lagala tashan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com