DF oo kulan deg deg ah ka yeelatay dadkii la laayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayay dhacdadii ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid deg deg ah oo ay yeesheen wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi.

Taliyaha ciidamada booliska Bashiir Cabdi Maxamed iyo wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo baaritaanka dadkii ka dambeeyay rayidkii la dilay Shalay.

Generaal Cabdullaahi Xasan Bariise oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaankii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in dadka la yaalayay ay shaqaalo Hay’adeed ahaayeen.

Shaqaalaha ayuu sheegay inay intaasi ka badnaayeen, islamarkaana ay gaarayeen 37 ruux balse shaqaalo kooban oo nadaafad waday rasaasta lala dhacay.

“Dadka dhibaatada ku haya Ummada Soomaaliyeed dhawaan ayaa lasoo qabanayaa, waxay waxyeeleeyeen shaqaale Hay’ad ka tirsanaa oo nadiifinayay wadada Ceelasha iyo Xaawa Cabdi u dhaxeysa, sagaal muwaadin ayaa dhintay, markii arintaasi nasoo gaartay kadib baaritaan deg deg ayaa la sameeyay, baaris ayaana socota”ayuu yiri Gen Bariise.

Maalintii shalay ayay aheyd markii dadkaasi shacabka ah lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay wadaan baaritaan lagu raadinayo dadka falka ka dambeeyay iyo qaabka loo abaabulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com