Sawirro: Jen. JIDHIF oo maanta aas qaran loogu sameeyay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga Kulmiye, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qayb-galay aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qayb-galay aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo ugu horreyntii halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, iyaga oo ku dheeraaday kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo qaatay halgankii iyo dhismihii ciidanka qaranka.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhiska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inay Somaliland noqoto mid taabba gal ah oo yeelata ciidan cududdiisa laga cabsado, sida ay hadalka u dhigeen.

Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aqoon gaar ah u lahaa marxuumka, ayaa ku sifeeyey halyey taariikhda baal dahab ah ka galay, qarankiisana si daacad ah ugu soo adeegay, iyaga oo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambeyntiina halkaasi ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey.

“Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.