Sawirro: Kenya: Miinooyiin laga helay KANIISAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka Degmadda Kirinyada ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay miinooyin loo adeegsan lahaa fulinta Qaraxyo ka dhacay dalka Kenya.

Miinooyinka ayaa waxaa laga soo dhexsaaray Kaniisad ku taalla Degmadda Kirinyada, waxaana qabashada miinooyinkaasi loo xirxiray Maamulka Kaniisada iyo Tirro Baadariyaal ah.

Kaniisada miinooyinkaasi laga soo dhexsaaray ayaa waxaa ku cibaadeysta dadka sida aadka ah u aaminsan Katoolikadda kuwaasi oo isku soo bax cibaadeysi ah isugu yimid Kaniisada.

Kaniisada ayaa waxaa laga soo saaray dadkii ku cibaadeysanaayay waxa ayna Ciidamadu ku wargaliyeen in Kaniisada ay ku jiraan waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada amaanka ayaa waxaa miinadaasi ku wargaliyay labo nin oo midkood ahaa Sarkaal ka tirsan Maamulka Boliska, kuwaasi oo ku dhex sugnaa Kaniisadda.

Maamulka Kaniisada ayaa ku dooday in Qaraxyadaasi ay Kaniisada kusoo dhex qariyeen dad aan la garankarin waxa ay yihiin iyo waxa ay aaminsan yihiin.
bam-000 (1)

bam-000

bam-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com