25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Sawirro: Kenyatta oo safar aan la shaacin ku tagay Dhoobley (Muxuu soo arkay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqasho aan la shaacin ku gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka J/Hoose.

Uhurro Kenyatta ayaa Booqday Xarumaha ay dagan yihiin Ciidamada Kenya ee ku yaalla Magaalada Dhoobley, waxa uuna koormeeray dhammaan Goobaha ay difaaca uga jiraan Ciidamada KDF ee Dhoobley.

Kenyatta waxa uu warbixino ka dhageystay Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Kenya ee Saldhigyada ku leh magaalada Dhoobley ee gobolka J/Hoose.

Kenyatta waxa uu amaanay sida ay u howlgalayaan Ciidamada Kenya, waxa uuna ku booriyay Saraakiisha iyo Ciidamada inay u shaqeeyan si hufnaan leh.

Dalka Kenya ayaa doorasho gali doona Bisha August ee sanadkan waxayna umuuqataa in booqashada maanta uu Kenyatta ku tagay Saldhiga ciidamada Kenya ee Dhoobley ay la xiriirto sugida amniga Doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News