Sawirro: Kheyre oo kulan la qaatay xildhibaanada kasoo jeeda Galmudug + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali (Khayre) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulka Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi aha ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirka dib u heshiisiinta ee maamulkaasi.

Sida ay ilo ku dhow shirkaasi u sheegeen Caasimada Online Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday xildhibaanadaasi inay door ka qaataan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la wadaagay xubnaha labada gole dadaalada ay xukuumaddiisa ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Shala ayey aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanada mucaaradka, gaar ahaan kuwa xisbiga UPD, islamarkaana ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Arbacada soo socota ayaa lagu wadaa inuu furmi shirweynaha dib u heshiisiinta, waxaana kadib ku xigi doono doorashada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com