Ciidanka AMISOM oo 5 sano kadib ka guuray Warsheekh

Muqdisho (Caasimda Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen degmada Warsheekh ee gobolkaasi.

Ciidamada AMISOM oo shantii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Warsheekh ayaa guud ahaan faarujiyey xarumihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

AMISOM ayaa amniga ku wareejisay ciidamada Booliska maamulka HirShabelle, kuwaas oo hadda kadib xaqiijin doona nabad gelyada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugnaa halkaasi ay dageen xerada Qoroloow oo ku taalla duleedka magaaladaasi.

Munaasabadda ay ciidamada Booliska HirShabelle kula wareegeen amniga ayaa waxaa ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Mayre, taliyaha Booliska maamulkaasi Xasan Dhicisow iyo sii haya guddoomiyaha Warsheekh Axmed Shiidka.

Dhowaan ayey aheyd markii gole deegaan iyo maamul cusub oo doorasho ku yimid ay yeelatay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com